Home Somali #Valverde: Horyaalka Kani ma ahan mid sahlan waana inaan si adag u...

#Valverde: Horyaalka Kani ma ahan mid sahlan waana inaan si adag u shaqeynaa

SHARE

Ernesto Valverde ayaa shaaca ka qaaday inuu aaminsan yahay in LaLiga uu adag yahay waxaana uu sheegay in kooxda u baahan doontaa si adag in ay uu shaqeeyaan si loo hanto horyaalka.Kadib barbarihii Getafe ee 0-0, Ernesto Valverde, maamulaha Barcelona wuxuu sheegay in horyaalka La Liga uu yahay mid adag, oo aanan fududeen, isagoona hoosta ka xariiqay inay ubaahan yihiin Howlkarnimo si ay uqaadan horyaalka.

Weerar yahanada Bluagrana ayaa awoodi waayay inay dhaafaan daafacyadda Getafe, kuwaasoo umuuqday kulankii caawa kuwa aanan la loodin karin. islamarkaana kusoo tashtay inaan la garab marin.

“Dhamaan-tooda Gadaal ayay ku uruureen – Caqli ahaan hal kulan kama badin karno, sababtoo ah – Bil mashquul ah ayaan ku jirnaa. laakiin waa inaan dib usoo ceshanaa saddex dhibcood, inkastoo horyaalka uusan sahal ahayn,” ayuu yiri.

Yerry Mina iyo Lucas Digne, kuwaasoo daafaca dhexe uwada dheelayay Barcelona, ayuu Valverde tilmamaay in aysan jirin wax wanagasan mooyee oo ay qabteen, waxaana uu sheegay in la aqbali karo muuqaal ciyaareedkooda.

“Waan ku farax-sanahay iyaga, saameyn badan naguma aysan yeelan, wada-jirkooda waa uu horumarsanaa, shaqo fiican ayay qabteen, wax wanaag ah mooyee ma jiraan wax kale,” ayu sii raaciyay hogaamiyaha Bluagrana.

Inkastoo Barcelona, bandhigeeda uu hooseeyay, hadana Valverde ayaa ku amaanay shaqadii ay qabteen Getafe, gaar ahaan Baasaskooda fiican oo ay sameynayeen iyo sida ay Kubad-haysashadda ay uga xakameeyeen.

“Getafe, waxay naga dhigtay kuwa aanan dareemin raaxo, waxay nagu waaleen Baasas, waxay noo diideen Nasiino, laakiin kuma aanan khasaarin, qeybta labaad waan isku deynay gooldhalin, laakiin waan weynay,” ayuu kusoo gaba gabeeyay.

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.