Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray Tababarka Tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo seddex maalin ka socday magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ujeeddadiisu ahayd u diyaargaroowidda in shacabka Soomaaliyeed illaa heer tuullo la gaarsiiyo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaan dalka ka bilaawan doona.

Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ka hadlayay xiritaankii tababarka ayaa yiri “Maalmaha soo socda tababarkan waxa uu gaari doonaa xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Caasimadaha Dawlad Goboleedyada taasi oo sahleysa in la helo dad badan oo sida fariimo isku mid ah oo ku saabsan daadejinta dib-u-eegista Dastuurka oo la gaarsiin doono illaa tuullooyinka; waxaan u mahadcelinayaa tababarayaashii waqtiga geliyay tababarkan iyo ka qaybgalayaasha oo ay sugeyso inay deegaanadooda gaarsiiyaan tababarkii ay qaateen”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ka qaybgalayaashii muddada seddexda maalin ahayd ka qaybgalay tababarka.