Home Somali #Wax ka ogow sababta Xubno ka socoto Real Madrid u daawandoonan ...

#Wax ka ogow sababta Xubno ka socoto Real Madrid u daawandoonan Ciyaarta Juventus-Tottenham

SHARE

Kooxda Real Madrid ayaan wax mugi ah aysan galin rabitaankooda ama xisaaha ay uu qabaan tababaraha Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino, kaasoo u soo ciyaaraykooxda Barcelona ka hor inta uusan ku biirin kooxda Spurs.

Habeen dambe magaalada Turin waxaa ku wada cayaari doonaan kooxaha Juventus Vs Tottenham wareega 16-aad koobka horyaalada Yurub lugtiisa kowaad.

Waxaa la ogaaday in saraakiil ka socdaan kooxda Real Madrid kulankan adag daawan doonaan ayagoo ay Madrid kasoo safreen.

Madaxda Madrid waxay kulankan adag u daawanayaan inay ku kuur galaan shax cayaareedka iyo qaabka uu wax u maamulo macalin Mauricio Pochettino.

Tababare Mauricio Pochettino tan iyo markii 2014 loo dhiibay kooxda Spurs wuxuu naadigan ka dhigan koox awood badan sanad walbana ka mid noqoto afarta naadi EPL ugu sareyso.

Madaxda Madrid ayaa la dhacsan hormarka uu sameenayo Mauricio Pochettino mana ahan wax la qarinaayo in macalinkaan la doonayo xagaaga dambe hogaanka Bernabue hadii uu isaga raali ka yahay.

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.