SHARE

Shabakadda Football Whispers oo bahwadaag la ah Sky Sports ayaa soo saartay liiska 10ka ciyaaryahan ee waqti xaadirkaan uu heshiiskoodu dhammeystirka ku dhow yahay, waana qiimeyntooda duhurnimo xilliga Somalia.

Waxaa xusid mudan in heshiis walba uu ku dhammeystirmo 5 dhibcood qiimeynta shabakadda Football Whispers, oo ah shabakaddii ugu horreysay ee saadaal ka bixisa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Xogtii ugu dambeysay ee ay soo bandhigtay Football Whispers waxaa ugu horreeya kubadsameeyaha u dhashay Jarmalka Leon Gorotzka iyadoo xiddigaani uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Bayern Munich.

Garablaha u dhashay dalka Brazil Lucas Moura ayaa 4.2 dhibcood lagu qiimeeyey heshiiska la filayo inuu kula soo biiro kooxda Manchester United, oo kasoo qaadaneysa PSG.

Halkaan hoose ayaad ka heli kartaa xogta 10ka ciyaaryahan ee waqti xaadirkaan qarka u saaran inay ka tagaan kooxahooda kuna biiraan kooxo cusub, waxaana lasoo qaatay xiddigaha ugu magaca weyn ee waqtigaan saaran suuqa kala iibsiga.

Leave a comment

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.