Maamulaha kooxda kubada cagta Real Madrid ee Zidane oo uwarameyey warbaahinta maanta oo Jimco ah ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in dhagahiisa ay ka daaleen maqalka in Real Madrid ay hada tahay “koox xun”

Los Blancos ayaa waxay ku jirtaa xili ciyaareedkan xaalad aad u adag, iyadoona marka laga hadlo La Liga, si aad uga liidata, maadaama aysan guuleysan kulamo badan, iyadoona kaalinta afaraad fadhisa.

“Waan ka daalay maqalka ah in Real Madrid ay xun tahay, way sahlan tahay in la yiraahdo wax walba waa xun yahay, lakiin waad ogtahay in wax walba aysan aheyn wax xun,” ayuu Zidane u sheegay shir jaraa’id.

“Waa wax weyn inaad ka hadashid qaab ciyaareed aan fiicneyn oo ku saabsan Real Madrid maadaama ay si fiican u iibineyso.”

Zidane waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay diirada saaraan ayna diidaan dhaleeceynta.

“Waxa aan sameyn karno ma dhageysano waxa ay dhahaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Sikastaba, Zidane ayaa wuxuu carabka ku dhuftey in wax walba oo ay sheegeen mucaaradka Madrid, aysan dhag jalaqsiin doonin, islamarkaana ay xooga saari doonaan sidii ay guul ugu soo hoyn lahaayeen kooxdooda.

Wuxuu yiri: “Waan ku daaley maqalka in Real Madrid ay tahay mid xun, waana wax iska fudud in la sheego xumaanta, laakiin waxaad ogaataan in halkaan [Madrid] wax walba ma ahan kuwa six un loo eegayo.

Wuxuu intaas ku darey: “Waa wax iska sahlan in Real Madrid laga sheego wax xun, laakiin waxay mar walba ay iibsataan samaanta.

Wuxuu intaas raaciyey: “Ma dhageysan doono wax ay sheegayaa kuwa dhanka xun ufikiraya, laakiin waxaan idin sheegi doonaa inaan mar walba diirada saari doono sidii aan usoo kaba lahayn oo aan uheli lahayn bandhigeena.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay, mar uu ka hadlayey isku aadka wareega 8-da Copa del Rey, oo ay ku aadaan Leganes: “Waxa noqon doonaa iyaga kuwa aad u adag, laakiin hadaan nahay Madrid, wax walba waxaan ka dhigi doonaa kuwa fudud.