Askarigii labaad ee Faransiiska oo Geeriyooday |

Wed07302014

Last update06:12:40 PM

Back Addunka World News Somalia Askarigii labaad ee Faransiiska oo Geeriyooday

Askarigii labaad ee Faransiiska oo Geeriyooday

Dunidda \ Somalia Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu geeriyooday askarigii Faransiiska ee ku dhaawacmay howl galkii fashilmay ee labo cisho ka hor ciidamada Kumandoska Faransiiska ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer ee Koofurta Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in dhaawicii soo gaaray Askariga Faransiiska uu u geeriyooday, balse ay soo bandhigi doonaan meydkiisa.
Faransiiska ayaa jimcihii la soo dhaafay u diray Soomaaliya ciidamo soo furta Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Faransiiska oo lagu magacaabo Denis Allex oo 2009-kii lagu afduubtay Soomaaliya.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Reuters in askariga labaad ee Kumandoska uu u dhintay rasaastii la is dhaafsaday howl galkii Buulo Mareert.

"Askariga labaad ee Faransiiska waxaa uu u dhintay rasaastii uu ku dhawacmay, waxaa soo bandhigi doonaa meydadka labo askari Faransiis ah"ayuu yiri Abuu Muscab.
Sabtidii ayaa Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollaned sheegay in labo ka mid ah ciidamadooda iyo la heystihii Danil Allex ay ku dhinteen howl galkii lagu furan lahaa sarkaalkaasay ku dhinteen howl gal

Howl galka ay Soomaaliya ku qaadeen Faransiiska ayaa yimid saacado kadib markii Ciidamada Faransiiska ay fara gelin milateri ku sameeyeen wadanka ku yaala Galbeedka Afrika ee Mali, halkaasoo Kooxo islaamiyiin ay isku dayayeen inay afgambiyaan dowladda Mali.

 

Axadle International Monitoring- Somalia

Askarigii labaad ee Faransiiska oo Geeriyooday
Related Posts:
Waxa kor u kacay qaadka Muqdisho ka soo gaara Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay, tan iyo
Maamul-goboleedka Somaliland ayaa Isniintii (14-kii July) Laas Caanood ku xiray saxafi Aad
Muwaadiniinta iyo falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ayay la yaab ku noqotay markii la sheegay
Hoggaamiyaha fallaagada Koonfur Suudaan Riek Machar ayaa Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha
Sida joogtada ah ee ay xagjiriinta al-Shabaab isugu soo dhiibayaan xukuumadda Soomaaliya,
Bilayska Kenya ayaa waxa uu maydadka laba dhibbane oo hor leh oo lagu dilay weerarradii Go