Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay |

Tue07222014

Last update02:26:23 PM

Back Addunka World News Somalia Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay

Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay

Dunidda \ Somalia Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee maamulka Soomaaliland Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa gaashaanka u duray natiijadii dhawaan kasoo baxday doorashooyinkii Golaha deegaanka ee ka dhacay deegaanka Soomaaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in natiijada kasoo baxday doorashada golaha deegaanka ay tahay mid aan cadaalad ku dheehneen, isla markaana Xisbiyadii ka haray doorashooyinkaasi ay ku hareen si xaq daro ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu sheegay in arrinta dhacday ay ka danbeeyeen dad ku dhaqaaqay Musuq-maasuq, isla markaana aan ka shaqeenin wax cadaalad ah.

“gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay oo la marin habaabiyay, sidii xaqa aheyd si aan aheyn baa laga dhigay” Ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Xisbiyada ka dhisan Soomaaliland ayaa Muddooyinkii ugu danbeeyay ka qeyla dhaaminayay qaabka uu u dhacay doorashooyinkii Golaha deegaanka ee dhawaan kusoo idlaaday deegaanadaasi, balse hadalka kasoo yeeray Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyay dibad-baxyo rabshado wata oo lagaga soo horjeeda natiijada doorashooyinka ay ka dhacayeen deegaano hoos yimaada Maamulka soomaaliland.

 

Axadle International Monitoring-Somalia

Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay
Related Posts:
Jabuuti ayaa 950 ciidamo askar dheeraad ah ku biirinaysa Hawlgalka Midawga Afrika ee Sooma
Maamul-goboleedka Somaliland ayaa Isniintii (14-kii July) Laas Caanood ku xiray saxafi Aad
Muwaadiniinta iyo falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ayay la yaab ku noqotay markii la sheegay
Hoggaamiyaha fallaagada Koonfur Suudaan Riek Machar ayaa Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha
Sida joogtada ah ee ay xagjiriinta al-Shabaab isugu soo dhiibayaan xukuumadda Soomaaliya,
Bilayska Kenya ayaa waxa uu maydadka laba dhibbane oo hor leh oo lagu dilay weerarradii Go