God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho |

Wed09032014

Last update11:34:20 AM

Back Addunka World News Somalia God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho

God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho

Dunidda \ Somalia Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti. Garoonka Muqdisho ayaa Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Xildhibaano ka tirsan  Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti  ee howlgalka ujooga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka  dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo  adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka  Soomaaliya.

Maxamed Cusmaan Sheekh Jawaari Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu  faraxsan yahay in maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa loo galbiyay Aqalka Baarlamaanka dalka  Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka  Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay  in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona  baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo  gaaro Magaalada Muqdisho islamarkaana uu hortago Baarlamaanka  Soomaaliya.
Dowladda Jabuuti ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo ku howlgala magaca AMISOM kuwaasi oo ku sugan Magaalada  Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan iyo Magaalada Muqdisho.

 

Axadle International Monitoring-Somalia

God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho
Related Posts:
Wararka ka imanaya Djibouti ayaa sheegaya in maanta galabtii toogasho ka dhacday garoonka
Taniyo markii ay Wasaaradda Amniga Qaranku bilowday inay lacag abaal-marin ah ku siiso muw
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa Gaba ku xiray laba qof oo lagu tuhmay burcad-badeednimo k
Xasaradda ka taagan diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha gobolka Somaliland ayaa sare u sii ka
Xukuumadda Kenya ayaa beesha caalamka ka dalbatay 8.8 bilyan oo shilin ($100 milyan) si di
Wakiilka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaalia Nicholas Kay ayaa Isniintii