Hogamiyaha Dalka oo qaabilay wafdi ka socday Jabuuti |

Thu08212014

Last update08:59:39 PM

Back Addunka World News Somalia Hogamiyaha Dalka oo qaabilay wafdi ka socday Jabuuti

Hogamiyaha Dalka oo qaabilay wafdi ka socday Jabuuti

Dunidda \ Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi ka socday dalka Jabuuti oo ku booqday xaruntiisa.

Wafdiga Jabuuti oo shalay gaaray magaalada Muqdisho waxaa hoggaaminaya afhayeenka baarlamaanka Jabuuti Idiris Cali.

Madaxweynaha ayaa si fiican ugu soo dhoweeyay wafdiga Villa Soomaaliya, isagoo u sheegay inaaney marti ku ahayn Soomaaliya, balse ay joogaan dalkoodii.

Wuxuu intaas raaciyay in si fiican loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti safarkii dhowaan uu ku tegay halkaasi, isagoo carrabaabay inay dowladdiisa xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dalka Jabuuti.

Kulanka dhex maray labada dhinac waxaa goob-joog ka ahaa afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble

Afhayeenka baarlamaanka Jabuuti waxaa booqashada uu ku tegay magaalada Muqdisho ku wehliya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Axadle International Monitoring-Somalia

Hogamiyaha Dalka oo qaabilay wafdi ka socday Jabuuti
Related Posts:
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa Gaba ku xiray laba qof oo lagu tuhmay burcad-badeednimo k
Xasaradda ka taagan diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha gobolka Somaliland ayaa sare u sii ka
Xukuumadda Kenya ayaa beesha caalamka ka dalbatay 8.8 bilyan oo shilin ($100 milyan) si di
Wakiilka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaalia Nicholas Kay ayaa Isniintii
Kenya ayaa oggolaatay codsi uga yimid Soomaaliya oo ah in lagu soo wareejiyo muwaadin Soom
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka gobolka Somaliland ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (U