Isku day lagu dili lahaa Tarsan oo la fashiliyay |

Thu07312014

Last update06:12:40 PM

Back Addunka World News Somalia Isku day lagu dili lahaa Tarsan oo la fashiliyay

Isku day lagu dili lahaa Tarsan oo la fashiliyay

Dunidda \ Somalia Hay’adda nabad sugidda qaranka ayaa sheegtay in ay fashilisay isku day lagu doonayay in lagu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Hay’adda ayaa maanta ku soo bandhigtay Muqdisho mid ka mid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Tahliil Cabdullaahi Nuur oo ay ku eedeysay inay Al-Shabaab u soo adeegsatay in uu dilo guddoomiyaha gobolka.

Taliyaha hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ay ogaadeen qorshaha lagu dili rabay Tarsan kaddib markii ay sameeyeen baaritaanno.

Tahliil Cabdullaahi Nuur oo ah ninka waday isku dayga ayaa warbaahinta u sheegay in ay Al-Shabaab la soo xiriireen, una so dirsadeen in uu miino ku xiro xafiiska guddoomiyaha si loogu qarxiyo, wuxuuna tilmaamay in loo sameeyay ballan-qaadyo.

Nabad-sugidda ayaa marar badan fashilisay weerarro ay Al-Shabaab damacsaneyd in ay caasimadda ka fuliso.

 

Axadle International Monitoring-Somalia

Isku day lagu dili lahaa Tarsan oo la fashiliyay
Related Posts:
Waxa kor u kacay qaadka Muqdisho ka soo gaara Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay, tan iyo
Jabuuti ayaa 950 ciidamo askar dheeraad ah ku biirinaysa Hawlgalka Midawga Afrika ee Sooma
Maamul-goboleedka Somaliland ayaa Isniintii (14-kii July) Laas Caanood ku xiray saxafi Aad
Muwaadiniinta iyo falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ayay la yaab ku noqotay markii la sheegay
Hoggaamiyaha fallaagada Koonfur Suudaan Riek Machar ayaa Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha
Sida joogtada ah ee ay xagjiriinta al-Shabaab isugu soo dhiibayaan xukuumadda Soomaaliya,