Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa |

Sat07262014

Last update06:06:15 PM

Back Addunka World News Somalia Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa

Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa

Dunidda \ Somalia Kulan sii Heer sare loo soo Agaasimay Ayna Ka soo Qeyb Galen Bulshadda Ku Aftirsata Dalka Djibouti kaas oo Lagu taageerayo Xisbiga Mucaaradka ah USN ee Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Ottawa ee dalka Kanada.

Halkan Ka Daawo Heesta Nima Jama Ay Mesha Ka Qaadey

Dadweynihii halkaas ka hadlay ayaa waxay ka wada mideysnaayeen sida ay u duunayaan in uu isbedel siyaasadeed ka dhaco dalka Jabuuti. Waxayna shucuurtooda ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin caddaala darrada iyo musuq-maasuq muddo dheer ka jira dalka Jabuuti. Waxayna ku adkeeyeen dadweynihii halkaas isugu yimid in ay si toos ah u wacaan eheladooda iyo asxaabtooda una sheegaan in doorashada ka qayb-galaan oo ay isbedel dhaliyaan.

Qabanqaabiyayaashii kulankan ayaa u sheegay Hiiraan Online in xisbiga USN uu yahay xisbiga maanta Jabuuti gaarsiin kara caddaalad iyo dimoqaraadiyad.

Kulankaan uu xiriiriye ka ahaa Ismaaciil Ladiye ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Ayuub Jaamac, Maxamed Xuseen, Axmed Cismaan, Xuseen Candhoole, Axmed Ibraahim, Zeynab Ismaaciil, Maxamed Aar, Sheekh Samatar Cilmi iyo Xasan Adan (Dameerjoog). Waxaa halkaas heeso gubaabo iyo ammaanta calanka Jabuuti ka qaaday fannaanadda reer Jabuuti ee Nimca Jaamac Migil, halka fannaanka Cawaale Adan uu kulankaas kula soo xiriiray khadka telefoonka

Maalinta jimcaha ee bishan Feberaayo 22keeda ayaa la filayaa in ay dalka Jabuuti ay ka dhacaan doorasho lagu soo xulayo 65 xildhibaan. Waxaana dalka Jabuuti ka socda olole xoog leh oo u dhexeeya xisbiga talada dalka haya ee RPP iyo xisbiga mucaaradka ee USN.



Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa
Related Posts:
Waxa kor u kacay qaadka Muqdisho ka soo gaara Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay, tan iyo
Jabuuti ayaa 950 ciidamo askar dheeraad ah ku biirinaysa Hawlgalka Midawga Afrika ee Sooma
Maamul-goboleedka Somaliland ayaa Isniintii (14-kii July) Laas Caanood ku xiray saxafi Aad
Muwaadiniinta iyo falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ayay la yaab ku noqotay markii la sheegay
Hoggaamiyaha fallaagada Koonfur Suudaan Riek Machar ayaa Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha
Sida joogtada ah ee ay xagjiriinta al-Shabaab isugu soo dhiibayaan xukuumadda Soomaaliya,