Said jama walal Wadaninimo ma sidaan ayaa loyaqaan DalKa aad uu dhalatay Maxaa uu ka mudan yahay |

Sat08022014

Last update06:12:40 PM

Back Addunka World News Somalia Said jama walal Wadaninimo ma sidaan ayaa loyaqaan DalKa aad uu dhalatay Maxaa uu ka mudan yahay

Said jama walal Wadaninimo ma sidaan ayaa loyaqaan DalKa aad uu dhalatay Maxaa uu ka mudan yahay

Dunidda \ Somalia said jama_4said jama_4Saxaafaddu waa guriga ay u soo hoydaan dadka dulman, waxey goddaa ama qaloocisaa, soona laabtaa dhabarka qofka siyaasiga ah, waxey saxaafaddu gilgishaa, dhulkana dhigtaa kuwa kaaliya laf dhabarka u ah keligii taliyaha, waxaay kalo saxafadu saxdaa qofkaste oo qaldaan iskuna haysta in uu yahay hagaagsan sidaasi awgeeda ayaa saxaafadda loogu tala galay ama ay u muteysatay in lagu magacaabo Xirfad ama mas’uuliyad taasoo la gaarsiiyey inay noqoto awooda Afaraad iyadoo ay ka horeeyaan awoodahasi Sharci dejinta, Fulinta, iyo Garsoorka , sadexdaasi golena ay “xod xotaan”.

Saxaafaddu waa Buunka,Sidhiga ama Turunbada nabadda codkeedii waana seef waxa ayna daafacdaa qeybaha kala duwan ee bulshadda Dumarka,Caruurta,Barimageytada iyo IWM

Barta wax laysku waydaarsado ee Facebook ayaa Mar aan dhex mushaqaxayey waxaa ay indhahayga ay qabteen War iga yabiyey oo aan jecleystay in aan bulshadda ku aftirsata Dalka Djibouti aan uu soo bandhigo kuna  baraarujiyoo sidaa dalkood logu gumeystay haddana loo necebyahay,

Dawladda Djibouti ayaa waxaay maalayiin doolar ku bixisaa sidii uu qofkaste oo ku aftirsada Gobalka ay ka taliso in waxbarasho uu helo taaso oo suraa galisaay in xataa ay waxbarashaddas ay ka fa'ideystaan shaqsiyaad aan uu dhalan gobal kuwaa oo ku soo dhoofa baasaboorka dalka djibouti si ay uga si gudbaan qarada yurub, si kasteba ha ahaatee, waxaa qofkaste oo reer djibouti ah ku waajib ah difaacida qaranimadda dalka uu u dhashay meel kaste oo uu joogoba,

said jama_3said jama_3


Haddii aaan idin xasuusiyo sidaa ay Dalka Djibouti loola dhaqmo beelaha Soomaaliyeed ee kale ee kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya  ee ku nool Djibouti, Waxaay heleen fursada shaqo iyo kuwo wax barasho oo aad u wanaagsan ayey ka heleen iyaga oo ka helay Djibouti mustaqbal ka  wanaagsan kii markii ay kusugnaayeen Waqooyi Galbeed Ay Kawaayeen, si wanaagsana loo marti galiyay,cidina ayna u sheeganayn dhulka,iyagoo waliba xaga maamulka  jagooyinka dalka uugu sareeya ay qabteen.

Maaha in deegan lagu soo doorto iyo in gobolo ay ka dagan yihiin beelahan Soomaaliyeed ee ku nool Djibouti Balse waxa loogu dhiiba xilka ama aan jagadda loo siyaa waa tanaasul iyo iyada oo loo muujinayo walaaltinimo, meeshana aynan jirin cid la fuquuqayo sabaab too ah dhaqanka iyo xeerka bulshada dhulka leh ayaa ah mid sinaan kusalaysan” nina uunan nin caara dheerayn”iyadoo dheef waxa dalku leeyahayna la wadaago cidkastana si xor ah ay waxay doonayso u qabsato.

Haddaba dulmigii ka jiraay Waqooyi ayaa Macaalin da'disa ay aad uu weyntahay ahna nin laga yaqaan jamacadda dalka Djibouti kaas oo Dawladda Djbouti ay ka sugeysay in uu Caruurta ama ubadka soo barbarayaa uu jidka toosan tusiyoo kuna barbaariyo waxbarasho wanaagsan ayaa waxaa uu ku dhaqaaqay wax laga argagaxoo taas oo uu soo dhigaay barta internetka ee Facbook. NInkan ayaa ciwaanka uu ugu horeyaa ee qoraalkiisa waxaa uu ku qoraay ama uu ka dhigaay UGAARSIGA ISAAQA, Taas oo ay umaadda dalka joogta ay is waydineysoo Halkee lagu ugaarsada isaaga waa kuwa jaagooyinka dalka ugu ficnaa hayaa,iyaagoo casimadda dalka ka daga halxafadda oo aan ka badneyn Boqol gurigi, Hadda  Hoos ka aqriisa waxaa uu soo qoraay oo aan soo sawirnay sii uu u beneni arrintaa.

Faceboogiisaa halkan ka firii http://www.facebook.com/profile.php?id=100001882430388

said jama_1said jama_1

 

said jama_2said jama_2
Haddaba Bulshooy Maxaan ku macneyn karkaa qofkaan maxaas ku kalifaay in uu cadaladda sidaa uu cayo Madama uu isaago sheeganayo xiliga uu ku sugaan yahay Dalka wadani marka uu ka dhoofaana uu yahay wadani wadan kale.


Arriintaan waxaay ka turjumeysaa naceybka ay noohayaan dadka aan soo dhaweyney Dalka misena aan caanaha uu shubeynoo iyaaguna ay suunta noo qasayaan

Said jama walal Wadaninimo ma sidaan ayaa loyaqaan DalKa aad uu dhalatay Maxaa uu ka mudan yahay
Related Posts:
Waxa kor u kacay qaadka Muqdisho ka soo gaara Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay, tan iyo
Jabuuti ayaa 950 ciidamo askar dheeraad ah ku biirinaysa Hawlgalka Midawga Afrika ee Sooma
Maamul-goboleedka Somaliland ayaa Isniintii (14-kii July) Laas Caanood ku xiray saxafi Aad
Muwaadiniinta iyo falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ayay la yaab ku noqotay markii la sheegay
Hoggaamiyaha fallaagada Koonfur Suudaan Riek Machar ayaa Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha
Sida joogtada ah ee ay xagjiriinta al-Shabaab isugu soo dhiibayaan xukuumadda Soomaaliya,