Sweden oo wadamada Ugu Qalisan Noqotey |

Fri08222014

Last update08:59:39 PM

Back Addunka World News Somalia Sweden oo wadamada Ugu Qalisan Noqotey

Sweden oo wadamada Ugu Qalisan Noqotey

Dunidda \ Somalia Qiimayn ay siwada jir ah u sameeyeen hay'ada la yiraahdo Afka Qalad lagu yirahdo (Eurostat) iyo  Xafiiska Tirakoobka U qabilsan Dalka sweden ee isna Afka Qalad lagu yirahdo (Statistiska centralbyrån) ayaa muujinaysa in ay Sweden tahay wadanka sedexaad ee ugu cunada qaalisan wadamada Europe.

Sweden ayaa ka maciishad qaalisan  wadamada kale ee Europe isku cel-celis 20% marka laga reebo Norway oo ugu cuno qaalisan Europe oo dhan iyo Denmark oo kaalinta labaad ku jirta. “Taas  macnaheedu wuxuu yahay  in Qardaaskii cuno ah oo wadamada kale ee Europe-ta ka joogta 100 kronor ($15)  ay sweden ka joogto  120 kronor “  sidaa waxaa qoraalkeeda ku tiri hay’ada qiimeynta u qaabilsan Sweden.  

Qiimaha qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo baradhada looga iibsado dukaamada Sweden iyo qiimaha kuwa Norway looga heli karo wax farqi ah oo sidaas u weyn uma dhexeeyo sida qiimayntani muujinayso. Dadka dukaamada Sweden cunada ka gata waxay qiimo aan qaali ahayn  ku helaan caanaha,malayga, ukunta iyo farmaajada .  

Europe oo dhan waxaa ugu cuno raqiisan Bulgaria,Romania iyo Poland waxayna Europe-ta kale ka cuno raqiisan yihiin isku cel-celis 30%  wadamada kale ee EU-da.

Sweden oo wadamada Ugu Qalisan Noqotey
Related Posts:
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa Gaba ku xiray laba qof oo lagu tuhmay burcad-badeednimo k
Xasaradda ka taagan diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha gobolka Somaliland ayaa sare u sii ka
Xukuumadda Kenya ayaa beesha caalamka ka dalbatay 8.8 bilyan oo shilin ($100 milyan) si di
Wakiilka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaalia Nicholas Kay ayaa Isniintii
Kenya ayaa oggolaatay codsi uga yimid Soomaaliya oo ah in lagu soo wareejiyo muwaadin Soom
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka gobolka Somaliland ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (U