Xasan"Anaga iyo Kenya Xurguf nooma dhaxeyso" |

Wed07232014

Last update06:06:15 PM

Back Addunka World News Somalia Xasan"Anaga iyo Kenya Xurguf nooma dhaxeyso"

Xasan"Anaga iyo Kenya Xurguf nooma dhaxeyso"

Dunidda \ Somalia Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay jirin wax xurguf iyo khilaaf kala dhaxeeya dowladda Kenya, isagoo cadeeyay inuu dhowaan booqan doono. 

Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in Kenya ay ka mid tahay dowladdaha Ciidamadaha ku tabarucay Soomaaliya, si nabad iyo xasilooni ugu soo noqoto. 

"Anaga iyo Kenya xurguf nooma dhaxeyso, colaad iyo khilaf nagama dhaxeyso, kenya ciidamada dowladaha ku tabarucay ayay ka mid tahay aay u soo direen soomaaliya, si ay nabad iyo xasilooni ugu soo noqoto"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in wax cilaaqaad xumo ah inuu kala dhaxeeyo, hase ahaatee waxaa uu cadeeyay in sababaha ay dib uga dhaceen safarkooda ay tahay arrimo mashquul iyo shir ay dhankooda iyo dhanka kaleba ay lahaayeen, taasna ay sabab u aheyd dib u dhaca safarkooda.  

 "Cilaaqaad xumo nagama dhaxeyso, mashquulaad iyo shirar caalami ayaa jiray, mar aan balamo laheyn iyo ama ay balamo lahaayeen, ayaa jirtay, booqashadeena waa taagan tahay waana tagi doonaa todobaadyada soo socda, wax mugdi ah ma jiraan"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.  

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Kenya ay door ku leedahay in Soomaaliya nidaam iyo maamul ay yeelato, maadaama dal deris ah ay yihiin, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo Dowladd KMG aan aheyn ka jirto, isagoo xusay in Kenya ay ku taageereyso maamul u sameynta Jubooyinka.  Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekha ayaa sheegay in lixdii tiir ee ay ka shaqeynayeen tan iyo markii ay qabteen xilka ay hada ka qabteen saddex ka mid ah oo uu ka xusay, Ammaanka, garsoorka iyo arrimaha maaliyada.  

Waxaa uu sheegay in markii u horeysay ay ku guuleysteen 22-sano kadib in laga qaado magaalada isbaarooyinka lixdanka gaarayay, isla markaana ay haatan qorsheynayaan in saddex xero in lagu xareeyo ciidamada, iyo xerooyin lagu tababaro ciidamada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wiilashii isbaarooyinka u yaalay ay dadaal ugu jiraan sidii ay ugu sameyn lahaayeen qorsho ku saabsan inay farsamo ay ku shaqeystaan la baro ama ay ciidamada ka qeyb galaan, tababaro iyo wacyi gelin la sameeyo.  

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labo jeer ka baaqday safaro uu ku tagi lahaa Kenya, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayeen, sababaha dib u dhaca keenay, iyadoo la hadal hayay inuu jiray mad madow dowladda Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeyay oo ku saabsan arrimaha Jubooyinka.

 

Axadle International Monitoring-Somalia

Xasan
Related Posts:
Waxa kor u kacay qaadka Muqdisho ka soo gaara Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay, tan iyo
Maamul-goboleedka Somaliland ayaa Isniintii (14-kii July) Laas Caanood ku xiray saxafi Aad
Muwaadiniinta iyo falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ayay la yaab ku noqotay markii la sheegay
Hoggaamiyaha fallaagada Koonfur Suudaan Riek Machar ayaa Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha
Sida joogtada ah ee ay xagjiriinta al-Shabaab isugu soo dhiibayaan xukuumadda Soomaaliya,
Bilayska Kenya ayaa waxa uu maydadka laba dhibbane oo hor leh oo lagu dilay weerarradii Go