SHARE

Wararka Ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Halkaasi lagu Dhaawacay Goolhayaha Maamulka Jubbaland oo Magaciisa lagu soo Koobay Cataale.

Dhaawaca Goolhayaha ayaa yimid kadib markii ay is afgaareen Askari ilaalinayay Xarun ay ku Tababaranayeen Ciyaartooyda Koobka Goboalada ee sanadkan uga Qeyb galaya Maamulkaasi Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in Goolhayaha Rasaasta ay ka Haleeshay Gacanta waxaana Durba Loola Cararay isbital ku Yaalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in dhaawaca Goolhayaha uu yahay mid Fudud waxaana ay intaasi ku Dareen in xaalada Dhaawac ee Goolhayahaasi ay soo hagaageyso.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga ee Jubbaland iyo Gudoomiyaha Sportiga Gobolka Jubada Hoose ayaan wali ka Hadlin Dhaawaca Loo geystay Goolhayihii Maamulka JubbaLand Cataale.

Ciyaartooyda Maamulka Jubba land uga Qeyb galayay Tartanka Gobolada ee Sanadkan ayaa isaga Huleelay xarunta ay Tababarka ku Qaadanayeen kadib Markii Xaruntaasi lagu Dhaawacay Goolhaye Cataale oo xidigahaasi kamid ahaa.

Dhanka Kale Waxaan Wali Go’aan cad aan laga soo Saarin Xiliga Rasmiga ee Daaha laga Rogi Tartan Gobolada ee sanadkan oo lagu Balansanaa in uu Kismaayo ka Furmo 21-ka Bisha October oo la soo dhaafay.

Leave a comment

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.