SHARE

Iyadoo la soo gaaray Fiinaalka Tartanka Jeneraal daa,uud, ayaa Kooxda Dekada oo shalay la ciyaartay Naadiga Jamhuuriya waxaa ku dhacay waxa aysan Filayn ka gadaal markii Tartankaan laga Cirib tiray.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiisa badan, ayaa Kooxda Jamhuuriya waxaa u suurta gashay inay u soo gudubto Fiinaalaha Tartanka Jeneraal Daa,uud, iyadoona Rigoorayaal 6-5 ah uga adkaatay Dhigeeda Dekada oo la islahaa tartankaan wey u soo gudbi kartaa Fiinaalihiisa.

Kooxda Elman, ayaa horay u xaqiijisay inay u soo gudubtay Fiinaalaha tartanka Jeneraal Daa,uud, waxayna Kulanka ugu danbeeya la ciyaari doonaan Kooxda Jamhuuriya oo iyaduna shalay soo baxday.

Tartanka Jeneraal Daa,uud, ayaa sanadkaan waxaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo Fiinaalaha Tartankaana la ciyaari doono sida la soo warinaya Maalinta Isniinta ah ee soo aadan.

Leave a comment

SHARE
REPORTER
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.