La Wadaag

Halyeyga Kooxda Chelsea Frank lampard ayaa sheegay in Riyo ay Tahay isagoo Markale dib ugu soo Laabta Garoonka Staform Bridge oo Chelsea ay ku Ciyaarto.

Chelsea ayaa todobaadkii la soo dhaafay shaacisay in Madaxii Farsamada ee kooxdaasi Michael Emenelo uu Go’aansaday in uu iskaga Tago laakiin waxaa Durba soo ifbaxay warar shaqadaasi la Xiriirinaya Halyeey Frank Lamprad.

Frank Lamprad oo ka Hadlayay shaqada lala Xiriirinayo ayaa wuxuu u muuqda mid aad ugu xiisa qaba in uu noqdo Madaxa Farsamada ee kooxda Chelsea isagoo sheegay in Riyo ay tahay in uu ku Laabto Staform Bridge.

Isagoo ka Hadlayay Tababar lagu Baranayay Macalinimada Lamprad ayaa yiri.

“waxaan ahay Chelsea waxaan jeclaan lahaa in Shaqada kooxda aan ku Lug Yeesho laakiin wax waliba waan arki doonnaa”.

“in aad soo Ciyaarto 20 sano kaama dhigna in aad tahay macalin Qabiir ah sidaa darteyd waa in aan bartaa Macalinimada si aan waxyaabo fara badan uga Caawiyo Chelsea”.

“in aan Chelsea la soo Joogay waqti badan taasi waxay ay cadeyneyda waxa Chelsea ay tahay waa Riyadeyda in aan ku Laabto Chelsea anigoo Tababare ahaan u shaqeyn kara”.

Inta uu socday xagaagii la soo dhaafay Lampard ayaa aad loo Hadalhayay in uu Noqon doono Tababaraha kooxda Oxford United ka Hor inta Xilkaasi aan loo Magacaabin Pep Clotet.

Leave a comment

La Wadaag
A.M

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.

I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.

I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.