La Wadaag

Wararka ka imaanaya Magaalada Madrid ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay aqbashay in ciyaariyahan Marco Asensio laga iibiyo kooxda Chelsea oo xidigan aad u baadi goobeysa.

Tababaraha kooxda kubada cagta ee Chelsea Antonio Conte ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xidiga xulka Spain iyo kooxda Real Madrid Marco Asensio oo ah mid kamida xidigaha da’yarta ah ee xiligan soo baxay.

Asensio ayaa ku dhibtoonaya in uu helo booska koowaad ee kooxiisa Real Madrid tan iyo markii goolal is daba jooga ka dhaliyay kooxda Barcelona waxaana la hadalhayaa in Asensio uu ku biiri karo kooxda Chelsea.

Manchester United ayaa qeyb ka ah kooxaha xiisenaya saxiixa xidigan oo la warinayo in janaayo uu isaga tagi karo Los Blancos laakiin kooxdan ayaa hardan culus la gali doonta Chelsea oo ah kooxda ugu cad-cad ee Asensio uu ku biiri karo.

Wargeyska ka soo baxa Spain ee Diaro Gol ayaa lagu qoray in Chelsea ay la wareegi karaan Asensio hadii ciyaariyahankooda Hazard uu ogolaado in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Hazard ayaa hada muhiim u ah kooxda koowaad ee Chelsea isagoo kooxdaasi 2 sano kula guuleystay horyaalka Englad dhawaan ayey ahayd markii Hazard uu qiray in uu jecelyahay Real Madrid laakiin xiligan maanka uusan ku heyn u dhaqaaqista Bernabue.

Tababaraha Los Blancos Zidane ayaa taageero qaas ah wuxuu u yahay qaab ciyaareedka Hazard Real Madrid ayaana la sheegay in ay ogolaan karto in Chelsea ay la wareegaan Asensio hadii Hazard uu Madrid u soo dhaqaaqo.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.