La Wadaag

Joog dheeraha qaranka France iyo kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa la sheegay in hooygiisa uu ka mamnuucay xidiga Stoke City amaahda kula jooga ee Kurt Zouma oo milkiyadisu Chelsea ay leedahay.

Arintan oo maanta aad ay wax uga qoreen wargeysyada Yurub ayaa timid kadib markii Pogba dhowr jeer uu guuldarooyin kala kulmay ciyaariyahan Zouma iyagoo wada dheelaya ciyaarta loo yaqaan turubka ugu danbeena uu ka mamnuucay in hooygiisa in uu yimaado.

Pogba iyo Zouma ayaa ahaa laba xidig oo aad isugu dhaw isla markaana xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyay laakiin ciyaarta turubka ayaa kala geysay labadan xidig Zouma ayaana sheegay in Pogba uu aad u necebyahay guuldarada dhan waliba.

Kurt Zouma oo arimahaasi Goal.com uga waramay wuxuu yiri“ma jecla Pogba in uu qasaaro marka aan turubka wada ciyaareyno waxaan tagay gurigiisa waan soo wada ciyaarnay waan ka adkaaday laakiin isaga aad ayuu u carooday”

“ma doonayo isaga in aan gurigiisa tago mar kale waxa uu ii sheegay in mar danbe gurigiisa aan tagin laakiin waxaan u sheegay in aan ka wada hadli doono”

“waxa uu jecelyahay xili walba in uu heesaha dhageysto isla markaana uu qoob ka ciyaar sameeyo marka uu kaa guuleysto waxa uu jecelyahay in uu hees daarto isagoo madaxa u lulaya heestaasi”

Pogba waa midkmid ah ciyaartooyda ugu muhiimsan xiligan kooxdiisa Manchester United waxa uu taagerayaal fara badan ku leeyahay qolka labiska ee Manchester United waana xidig aad kaga qosliya dhamaan ciyaartooyda Manchester United.

ugu danbeyntii Pogba waa xidig aad u xiiseeya in uu sameeyo waxyaabo kale oo ka madax banaan kubada cagta isagoo inta badan dheela ciyaarta kubada koleyga oo uu ciyaaro xiliyada uu ka fasaxanyahay tababarka Manchester United.

Leave a comment

La Wadaag
REPORTER

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.
I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.
I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.