Toban sano oo Aan Cunaayey Xididka Geedka Ayaa i Horseeday in aan Cafimaad Buuxa aan Helo |

Fri07252014

Last update06:06:15 PM

Back Hlth Health News What Ails You Toban sano oo Aan Cunaayey Xididka Geedka Ayaa i Horseeday in aan Cafimaad Buuxa aan Helo

Toban sano oo Aan Cunaayey Xididka Geedka Ayaa i Horseeday in aan Cafimaad Buuxa aan Helo

Cafimaadka \ What Ails You Haweenay Da'deedu Tahay 73 jir oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa cadaysay in ay isticmaashay jirdaha ama xididka dhirta ka baxda meelaha miyiga ama Baadiyaha ah, taas oo sabab u noqotay in ay kaga bogsato xanuun kaga dhacay caloosha, kaas oo hore dhakhaatiirtu ugu cadeeyeen in aanu dawo lahayn.

Haweenaydan ayaa sida Wargeysku Qorey waxaa ku dhacay, xanuun caloosha dadka ka abaara oo Afka Qalaadna Lagu yirahdo, (Cohns), kaas oo dhakhaatiirtu rumaysan yihiin in aanu lahayn wax dawo oo Lagu Daaweyo.

Balse isticmaalka Ay isticmaashay dhirta gaar ahaan qaybaha jirdaha oo Ay cuntay ayaa u horseeday in gabi ahaanba ay kaga bogsato xanuunkaas oo muddo sideed iyo afartan sanadood ah hayay.

Haweenaydan oo 73-jir da'deedu tahay oo Magaceedana La yirahdo Marilyn Barnes, waxaa ay jariirada (Sun) uga warantay dhir ay isku qooshan jirtay oo ay cuni jirtay kuwaas oo u badnaa jiridaha dhirta ka baxda beeraha dawladu leedahay ee dalkaas, waxa ay haweenaydan tilmaantay in dhirtaas ay inteeda badan guriga ku dhex ridqan jirtay.

Haweenaydan ayaa sheegtay in baadhitaankii u dambeeyay ee lagu sameeyay muujinayo in xanuunkaas ay ka bogsatay gabi ahaanba, sida ay dhakhaatiirtu u sheegtay, waxaanay xustay in taasi ka dhalatay dedaal ay samaysay muddo toban sanadood ah oo ay kula dagaalantay xanuunkaas.

Haweenaydan ayaa sheegtay in muddo dheer ay ku dhex wareersanayd dhirta oo geed kasta cuni jirtay markii loo sheegay in aan xanuunkeeda dawo loo hayn.

Lakiin markii dambe Waxaay uu kur Gashay faa'iidada geedaha jiridooda leedahay Taas oo Ay ka dibna bilowday cunista xididada dhirta, taas oo ay ridqi ama Shiidi jirtay gabi ahaanba waxaanay ugu dambaynti si kama dambays ah uga bogsatay xanuunkaas hore loogu sheegay in aan wax dawo ah loo hayn.

Haweenaydan oo ka sheekaynaysa Tijaabadeda ayaa sheegtay in markii ay bilowday cunista jirdaha ama xididada Dhirta ay la kulantay dhibaatooyin badan, sida ay Sheegtey.

Waxa markii aan bilaabay cunista qolafta geedaha iyo xididada aan dareemay in xaaladaydu halis ku jirto, waxa aan xasuustaa in maalin maalmaha ka mid ah inta aan cunay gabi ahaantayba is badalay oo sidii wax calooshayda noolayaal ku dhex dagaalamayaan oo kale aan noqday, waxaan niyaystay in aan sumoobay, ka dib waxaan badalay dhirtii hore waan ka sii daray, waxaan haddana badalay kuwii dambe haddana waan kuba suuxay Sida Ayey sheegtey Marilyn Barnes.

Marilyn Barnes, oo 73-jir ahi waxa ay ka warantay dhibta soo kala martay dawo dhaqeemeedkaas ay nafteeda sida biimada leh ugu tijaabisay laakiin waxa ay muujisay in ay ku faraxsan tahay wax kasta oo soo gaadhayba haddii ay si kama dambays ah uga bogsatay xanuunkii hayay mudada kontonka sanadood gaadhaysa.

 

Qore Ali Musa

Axadle International Monitoring

Toban sano oo Aan Cunaayey Xididka Geedka Ayaa i Horseeday in aan Cafimaad Buuxa aan Helo
Related Posts:
Asthma is a long-term condition that can cause a cough, wheezing and breathlessness. The severi
Breast cancer is the most common cancer in the UK. About 46,000 women get breast cancer in the UK ea
Tincidunt leo id nec interdum pede sapien at purus velit justo. Elit Integer Aenean in consequat
Consequat ante parturient fringilla quis consectetuer tincidunt a in justo metus. Malesuada est