21-ka September maalinta loo gooni yeelay Maalinta Nabadda Adduunka!

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo kale 21-ka September 1981-dii, ujeedka laga leeyahay waa joojinta dagaallada iyo rabshadaha saameynta ku leh Bulshooyinka kala duwan, isla markaana la helo xasilooni waarta.

Qaybta diiwaangelinta maalmaha la maamuuso ee Qaramada Midoobay ayaa aqoonsatay, si rasmi ah ayay u diiwaangelisay in sanad waliba la xusuusto marka taariikhda Miilaadiga gaarto 21-ka September.

Waxaa lasoo bandhigaa wadamada ugu badan ee colaadda ka jirto, dhibaatooyinka ka dhashay, cinwaanka sanadka iyo muhiimadda looga hortagi karo rashadaha & Dagaallada gudaha iyo kuwa sokeeye ee dalalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay qormooyinka dad kala duwan ay qoreen si loo muujiyo maalintaan loo goonida yeelay Nabadda Adduunka ee 21-ka September 2020.

Hal heystada ugu badan ee lasoo bandhigay waxaa kamid ah:

“Nabaddu ma ahan xiriir ka dhexeeya ummadah, balse Waa xaalad maskaxeed oo ay keento degganaan naf leh. Nabaddu ma ahan oo keliya maqnaanshaha dagaalka. Sidoo kale waa xaalad maskaxeed. Nabadda waarta waxa ay ku imaan kartaa oo kaliya dadka nabadda jecel” waxaa laga diiwaangeliyay Jawaharlal Nehru.

Sidoo kale ohaahda keydka gashay waxaa kamid ah:

“Mid kastaa waa in uu nabaddiisa ka dhex helo. Nabadduna in ay noqoto mid dhab ah waa in ay ahaataa mid aan saameyn ku yeelan duruufaha dibadda” Abuukaate Mahatma Gandhi aabihii Hindiya ee la dagaalamay Gumeysiga.

Xusuusta Ereyada lagu cabirayo Nabadda ee u diiwaangashan Qaramada Midoobay waxaa kamid ah:

“Haddii aan nabad helin, waa sababta ah in qofba qofka kale uu hilmaamo in uu katirsan yahay ama xiriir uu la leeyahay” Waxaa laga diiwaangeiyay Anjezë Gonxhe kuna magac dheer Mother Teresa, waana haweeney u ol-oleysay nabadda.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaanka xusuusta maalintaan u gaarka ah Nabadda gelisay:

“Nabadda xoog laguma haysan karo, waxaa lagu gaari karaa oo keliya fahamka” Albert Einstein Albert oo ah Curiye Fiisigis.

“Hadduu bani-aadamku doonayo in uu helo muddo dheer oo aan xadidnayn oo barwaaqo ah, waa in ay u dhaqmaan oo keliya hab nabdoon oo midba midka kale u gargaara” Winston Churchill ayaa leh Xikmadda diiwaanka gashay.

“Haddii aad rabto nabad, ha kala hadlin Saaxiibadaa, balse waxa aad kala hadashaa Cadawgaaga” Sidaasi waxaa laga diiwaangeliyay Desmond Tutu.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More