Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen lacag sharci daro ah

Ciidamada Booliska ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay lacag ka timid diyaarad laga leeyahay dalka Kenya, sida uu sheegay taliyaha booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Hijar ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay hada wadaan baaritaano ku aadan lacagtaasi iyo halka ay ku baxeyso

“Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay siday diyaarad ka mid ah kuwa u kala goosha Muqdisho iyo Nayroobi. Lacagtaas oo la rabay in sifo sharci daro ah dalka lagu soo galsho, taas oo lid ku ah shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Sadiiq Aadan.

Qoraalka afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Cadadka lacagtaas iyo eedeysanihii waday, ayey Ciidanka Boliisku gacanta ku hayaan, iyada oo baaris ku socoto cadaadana la horgeyn doono.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa booliska garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde inay gacanta ku dhigaan lacago fara badan oo si sharci darro ah lagu soo geliyay dalka oo ay la socdeen diyaarad laga leeyahay dalka Kenya.” Ayuu yidhi “Baaritaanno dheeri ah ayaa hadda ku socda shilka.”

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Hijaar ma uusan sheegin cadadka lacagta ay qabteen booliska.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed gaashaanle Saadaq Aadan Cali Doodisho ayaa saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in lacagtaasi ay baarayaan booliska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in lacagta iyo ruuxa la tuhmay ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanka ee Soomaaliya isla markaana ay wadaan baaritaano dheeri ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More