Al-Shabaab oo sheegtay in ay weerar Saldhigyo Ciidanka Kenya ku leeyihiin Jubada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay xili hore weerar safmar ah ay ku qaaday xeryo ciidamada Kenya ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Degmada Afmadow iyo Deegaanka Qooqaani.

Dagaalka ayaa ku bilawday Garneelada Garbaha laga tuuro, waxaana ka qaybgalay Gaadiidka Ciidamada ee hubka culus ku xiran, halka mararka qaar la maqlay Hoobiyaal lagu tuuray xerada iyo kuwo Askarta ay ku jawaabayeen.

Ciidamada Kenya waxaa Afmadow la jooga Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana isu dhaw saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka Degmadaas, halka Qooqaani sidaas oo kale isla degen yihiin.

“Xooggag katirsan Al-Shabaab ayaa weerar safmar ah ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ee Degmada Afmadow & Deegaanka Qooqaani, waana weerarkii labaad oo muddo todobaad ah oo lagu bartilmaameedsado Saldhigyadaan” sidaasi waxaa Daabacday Warbaahinta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaare dhankooda gaaray, iyo waxyeelo ay gaarsiisay Ciidamada Kenya iyo kuwa Daraawiishta DG Jubbaland, kaliya waxa ay sheegtay in weerarka uu ka dhacay Xeryaha Ciidamada huwanta ah.

Ilaa haatan kama aysan hadlin Kenya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland dagaalkaan saakay ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More