Axmed Madoobe oo Xildhibaannada matala Jubbaland ka dalbaday codsiinta Rooble.

Axmed Madoobe, Xildhibaannada & Senatarada BFS ee Jubbaland matala

Hogaamiye DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Deegaan doorashadoodu tahay maamulkaas ka dalbaday in codka kalsooonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

140-Cishe ayaa maanta u harsan waqtiga uu dhamaanayo muddo xileedka Hogaamiye oo ah jagada ugu waqtiga dheer 4-ta sano ee Dowladda, maadaama Baarlamaanka uu dhacayo dhammaadka sanadkaan 2020-ka, halka Madaxweyne Farmaajo uu gaarayo 8-da Febaraayo 2021.

Maanta ayaa lagu waday in Golaha Shacabka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo horgeeyo Ra’iisul Wasaarihiisa labaad ee muddo xileedka 4-ta sano ah, balse waxaa baaqday fadhiga aqalka shacabka.

Rooble ayaa xalay la kulmay Xildhibaannada Golaha Shacabka qaarkood, maanta ilaa caawa waxa uu qabilayaa xubno kale si uu u weydiisto codka kalsoonida, kadib maalinta Arbacada fadhiga Golaha uu hortago isaga oo heysta ballanqaadka Mudanayaasha.

Madaxweyne Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qayb ka noqday xubnaha u ol-oleynaya kalsooni helista Maxamed Xuseen Rooble oo haatan ah Ra’iisul Wasaaraha magacaaban.

“La shaqeeya Ra’iisul Wasaaraha Dhalinyarada ah ee uu soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo, ku garabsiiya waxa uu idin ka baahso u fuliya, soona dhaweeya oo ku garabgala waqtiga yar ee uu heysto” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Heshiska Doorashada ee aan gaarnay ma ahan xeer balse waa heshiis siyaasadeed, dan ayaa na gaarsiisay, mana ahan in aad u aragtaan xeer ama sharci la meelmarinayo, waana in aad u ogaataan in uu yahay heshiis siyaasadeed oo kaliya”.

Axmed Madoobe oo la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka ee Deegaan Doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa dhanka kale sheegay in ay dhamaatay kala aragti duwanaanta, sidaas darted laga doonayo in wax waliba lagu saleeyo deegaan doorasho oo lagu gudbo qabiil & Qabyaalad.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More