Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle oo maanta dooranaya

Magaalada Jowhar waxaa maanta oo Arbaco ah ka dhaceysa Doorashada Guddoomiyaha & labada ku xigeen ee DG Hir-Shabeelle, waxaana u loolamaya 6-ruux oo buuxiyay shuruudaha la hordhigay.

Xubnaha xildoonka ah ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay Xildhibaannada si ay u weydiistaan codkooda, maadaama Sadeexda kursi ay ku tartamayaan min labo xubnood, sidaas awgeed cod dheeri lagu kala guuleysanayo.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) ayaa ku loolamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, midkood ayaa qabanaya Xilkaas, maadaama kaliya labadooda ay ku tartamayaan.

Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame & Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle waxa ay isu diiwaangeliyeen qabashada jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee DG Hir-Shabeelle.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa ku loolamaya Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan & Xildhiban Canab Axmed Ciise oo kursigaan ku fadhisay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Haddaba, Yaa ku guuleysan kara Xilalka Guddoonka Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle ee maanta la dooranaya?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More