Bangiga dhexe oo beeniyay eedo loo jeediyay Bangiyada &

Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ayaa beeniyay warbixin dhawaan lagu daabacay wargays-ka caanka ah ee  New York Times,kaas oo lagu sheegay in bangiyada iyo xawaalaha gudaha Soomaaliya ay ku milmeen nidaamka maaliyadda ee Al Shabaab malaayiin doollarna ka helaan canshuuraha gudaha.

Qoraal uu soo saaray Bandhiga dhexe kuna Taariikhaysan 21/10/2020 oo ay heshay Axadle ayaa lagu beeniyay warbixtaasi oo uu qoray Cabdi Latif Daahir oo ah weriyaha Bariga Afrika ee New York Times oo xiganayana nuqul garsoodi ah oo uu sheegay in uu ka helay golaha amaanka ee qaramada Midoobay.

Qoraalka Bangiga dhexe ayaa lagu cadeeyay “In Bankiga dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan”.

Bangigu waxa uu ku adkaystay in aysan jirin “Wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka” sida ku cad qoraalk ay heshay Mustaqabal.

Warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada) ayaa lagu booriyay” in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn” sida ku cad qoraalka Bandhiga dhexe iyada oo lagula taliyay in ay “Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka ka soo xigtaan ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe” .

Xogtaan waxa ay u dhowsantahay Axadle Media.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More