Beeraleyda & Xoolo dhaqatada Hir-Shabeelle oo ka barakacay

Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ahna sii hayaha Wasaaraddaas oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in dadka Xoolo dhaqatada & Beeraleyda ah ay bilaabeen in ay ka barakacaan Deegaannadooda.

Sababta waxa uu ku sheegay Wasiir Daqarre in Ayaxu uu saameyn taban ku yeeshay dhulka daaqsimeed & Beero Baaxad weyn oo ku yaalla Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ee DG Hir-Shabeelle.

“Ayaxa ku degay Degmooyinka Maxaas, Aadan yabaal, Jalalaqsi, Buulo burte, mahadaay & Jowhar waxa uu saameeyay Beero & Dhul daaqsimeed ay daaqayeen xoolo kala duwan, dadka ayaa hadda bilaabay in ay raadsadaa deegaanno ka badbaaday Ayaxa” Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka ahna sii hayaha Wasiirka Beeraha DG Hir-Shabeelle.

Waxa uu sheegay in aysan gacan ku heyn dhaqaale gaar ah oo wax looga qabanayo Ayaxa, balse qaylo dhaan ay u dirayaan cid waliba oo awoodda in ay taageerto qoysaskaan ka barakacay deegaannadooda.

Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre ayaa baaq wadajir ah u diray DFS, Beesha Caalamka & cid waliba oo gacansiin karta qoysaskaan sanadihii lasoo dhaafay wajahay Abaar, Fatahaad & Ayaxa ku degay dhulkooda.

Wasaaradda Beeraha XFS ayaa dhawaan sheegtay in ay wax ka qabaneyso Ayaxa ku degay Dowlad Goboleedyada, waxaana ay shaacisay in ay diyaarisay Diyaaradaha lagu buufiyo si loo dilo.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More