Ciidamo ka amar qaata Cali Guudlaawe iyo Shaatiqeey waxay keeneen dacwad – Axadle

Jowhar (Axadle) – Odayaal dhaqameed kasoo jeeda gobolka shabeelaha dhexe ayaa dacwad ka gudbiyay ciidamo uu hogaaminayo madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Shaataqeey oo la sheegay inay guri wada dhaceen. Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Jowhar.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in sarkaalka iyo ciidamada ka tirsan guriga Cali Guudlaawe ay u galeen haweeney lagu magacaabo Khadro Cabdulle Raage ayna ka qaateen dahab, lacag iyo agab kale oo guriga yaalay.

Qoyska ayaa sidoo kale loo hanjabay saacado waxaana cabashada loo gudbiyay taliyaha ciidamada qalabka sida Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo sidoo kale taliyaha qeybta 27-aad ee militariga Soomaaliya oo hoos taga Shaatakeey.

Odayaasha ayaa ka dalbaday taliyaha inuu wax ka qabto dhac la sheegay in ciidamada qalabka sida ay u geysteen dad shacab ah isla markaana cadaalada la horkeeno kuwa ku lugta leh.

Hoos ka aqriso warqada iyo warqada kasoo baxday odayaasha beesha Agoonyar Gaabane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More