Cumar Faatax oo ku biiray Aqalka sare ee Minnesota! –

Cumar Faatax oo kamid ah dhalinyarada Soomaalida ee kunool Dalka Mareykanka ayaa ku guuleystay xubinnimada Aqalka Sare ee Gobolka Minnnesota oo ay ku badan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Senator Cumar ayaa waayihii dambe waday ololaha loolanka hanashada kursigaan, waxa uu qabtay bandhigyo kala duwan, ugu dambeyn guul ayuu ka gaaray tartankaas uu gashay sida natiijada ku cad.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan noqdo qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo kamid noqda aqalka Sare ee Minnesota, waxaan u mahad celinayaa dadka ii codeeyay oo xaqiiqdii ii suurageliyay rumeynta hamigeyga ah qabashada kursigaan” Sidaasi waxaa yiri Senator Cumar Faatax.

Soomaalida xilalka ka qabaneysa Dalka Mareykanka ayaa sanadihii dambe soo kordheysay, waxaana ay heystaan kuraas qaarkood ay kula loolameen jaaliyado kale balse ay uga guuleysteen.

Gobollada Dalka Mareykanka waxaa lasoo xiray Goobaha codbixinta, maadaama la gaaray waqtiga loo asteeyay in lagu gunaanado, waxaana socda tirinta codadka laga dhiibtay doorashada 2020.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More