DEG DEG: Guudlaawe oo soo saaray liiska

10

Jowhar (Axadle) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin magaca ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu adag kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Kursiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa ku tartamayo illaa 4 musharax oo kale, wuxuuna noqon doonaa kursi si weyn loogu tartamo, waxaana kurisgan ku tartamayo.

1- Muuse Suudi Yalaxow2- Cabdullaahi Sheekh Xasan3- Axmed Xasan Caddo4- Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax5- Dr. Xasan Caddaay Cali

Sidoo kale, kursiga uu ku fadhiyo Dr. Cusmaan Dufle ayaa la filayaa inuu tartan adag ka dhasho, waxaana murashaxiinta u taagan lagu soo daray safiirrka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Inta badan kuraasta Aqalka Sare ee HirShabele ayaa waxaa ku tartamayo 4 illaa 6 musharax, wuxuuna Cali Guudlaawe noqday madaxweynaha kaliya ee ogolaaday in musharixiinta ay si cadaalad ah u tartamaan.

Axadle ayaa horey u sheegtay in Guudlaawe uu liiska ka dhigi doono mid furan sababo la xiriira cabsi uu ka qabo in dagaal uu ka dhaco Jowhar, oo ay sameeyaan beelaha qaar, haddii kuraasta uu ka dhigo kuwa u xiran shaqsiyaad gaar ah.

Halkaan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran

 

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More