DEG DEGl Dagaal culus oo ka socda duleedka

2

Muqdisho (Axadle) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan dhinaca Gubadley ayaa sheegay in goordhow dagaal u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, kana howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu hadda ka socdo halka loo yaqaano Xaawo Casir iyo Suuqii hore xoolaha Xirgadheere, iyada oo la soo warinayo in haatan uu dagaalka uu kusii si dhowaanayo dhinaca deegaanka Gubadley oo fariisin ciidan u ah Saneyl Cabdulle oo dhowaan loo xil-saaray amniga wadada dheer marta dhinaca xeebta.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dagaalka uu yahay mid la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale ma cadda waxa ay isku hayaan ciidamada dagaalamaya, balse waxaa muddooyinkii dambe taagnaa khilaaf culus oo u dhexeeyey Kornley Saney & Xaadoole.

Dhinaca kale dadka deegaanka ee ku nool Gubadley iyo agagaarkeeda ayaa waxa soo food saartay cabsi xoogan, maadaama dagaalka uu sii xoogeysanyo marba marka ka dambeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More