Deni oo go’aan kasoo saaray haddii dadka kasoo jeeda K/Galbe…

Garowe (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku nool deegaanada Puntland ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan codeynta doorashada.

Saciid Deni wuxuu sidoo kale sheegay in aysan carqaladeyn doonin qaab walba oo ay dadka kasoo cararay durufaha ka jira koonfurta Soomaaliya ay ku helayaan xuquqda ay ku leyahiin dhulka ay ku nool yahiin.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli uu Muqdisho uga qeyb galayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana sidoo kale diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashada Puntland ay haatan ka socotaa saddex degmo oo kaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in dadka Soomaaliyeed ee ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka ee yimid Puntland intii ay colaadu jirtay, kana mid noqday dadka deegaanka ay si xor ah uga qayb qaadan doonaan doorashooyinka soo socdaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed kuna nool dhulka maamulkan xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya xaq ayuu u leeyahay inuu wax ka doorto deegaanka uu ku nool yahay ama uu ku doorto, isla markaana uu doorto hoggaamiyayaasha mustaqbalka ee saamaynta ku yeelan doona noloshiisa.”

Si gaar ah isagoo ula hadlaya shacabka reer Koonfur Galbeed ee ku nool deegaanada Puntland ayuu xusay in aysan habooneyn inay idaacadaha ugu yeeraan magacaas, ayna ka haboon tahay in loogu yeero shacabka Puntland.

“Mararka qaar waxaa idaacadaha ka maqlaa shacabka reer Koonfur Galbeed ee degan Puntland. ‘Ma tihidiin shacab reer Koonfur Galbeed ah, waxaa tihiin reer Puntland’ Waana ku faraxsanahay in ay isu-diiwaan-gelinayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Deni.

Madaxweynaha wuxuu amaan dusha uga tuuray dadka reer Puntland, kuwaas oo walaashaday, soona dhaweeyay shacabka Soomaliyeed ee durufaha kala duwan uga soo cararay deegaanadooda, hadana ay gaareen inay doortaan hoggaankooda.

“Waxaan shacabka ka codsanayaa inay ka shaqeeyaan horumarka iyo amniga Puntland maxaa yeelay way ku barwaaqoobeen, ku shaqeysteen, ku noolaan doonan, carruur ayaad ku dhasheen halkan, waxayna ku noolaan doonaan inta ka hartay mustaqbalkooda, waxayna xaq u leeyihiin in ay u codeeyaan hoggaamiyayaashooda,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dagmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayey ka socotaa diiwangalinta codbixiyayaasha, waxaana la diyaarinayaa dhamaadka sanadkaan doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah ee ka dhacda Puntland. Puntland waxay billowday nidaamka xisbiyada badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More