DF oo ka carootay warbixin Midowga Afrika uu kasoo saaray af…

0

Muqdisho (Axadle) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor timid warbixin uu soo saaray Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika taasoo looga hadlay xaladda siyaasadeed ee afartii sano ee dalku uu hoos joogay taliska Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulan ay yeeshen Golaha Wasiirada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ayaa laga soo saaray in Dowladda Soomaaliya ay si hordhac ah u diiday natiijada warbixinta loo gudbiyey Midowga Afrika.

“Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya  kulan ka yeelatay warbixintaas, waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira,” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sida xogta sheegeyso warbixinta ay soo saari rabto Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu sheego in warbixinta kasoo baxday Midowga Afrika ay tahay mid ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya isla markaasna aan lagala tashan Dowladda Soomaaliya.

Warbixinta ay Dowladda Soomaaliya ka carootay ayaa waxaa lasoo saaray Bishii May ee sanadkaan, waxaana loo gudbiyey Midowga Afrika iyadoo looga hadlay amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhanka siyaasadda gashay qalalaase iyo heshiis la’aan afartii sano ee uu madaxweynaha dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta doorashada uu Soomaaliya u horseeday amniga darro iyo dagaal.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn inay amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo wax ka badan 10 sano, iyadoo arrintaan sabab looga dhigay inaan la fulin heshiisyadii aniga iyo dhismaha ciidamada Qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More