DFS oo sheegtay in aan la baareyn maydka AUN Cali Khaliif

DFS ayaa sheegtay in aan baaris lagu sameyneen Maydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo Magaalada Jigjiga ku dhintay 8-dii Oktoobar 2020 kuna beegneed Khamiistii maalin kahor.

Ehelka Marxuumka ayaa dalbaday in la baaro, maadaama shaki ay ka qabaan sababta Geeridiisa, balse sii hayaha Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo la hadlay BBC-da, isla markaana la weydiiyay in la baarayo maydka Marxuum Cali Khaliif ayaa sheegay in marka la keeno la aasayo oo aan jirin baaris la sameynayo.

Qoyska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr ayaa tuhun ka qaaday sababta Geeridiisa lagu sheegay oo ah in uu ku dhacay xannuunka Covid-19, iyaga oo dalbaday baaris ka madax bannaan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

“Maydka Marxuumka waxaa lagu aasayaa Muqdisho, hogaamiyayaasha sare ee dalka ayaa ka qaybgaleysa salaadda janaasada, marka lagu tukado kadib waala aasi doonaa” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Shaqsiyaadka ka qaybgalaya aaska waxaa kamid ah mas’uuliyiin katirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida, ehelkiisa, qaar kamid ah Asaxaabtiisa iyo shaqsiyaad kala duwan oo aqoon u lahaa Cali Khaliif Galayr.

Ka qaybgalayaasha aaska Ra’iiul Wasaarihii hore ee Soomaaliya waxa uu ku sheegay Hogaamiyayaasha sare ee dalka gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble & mas’uuliyiin kale.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More