DG Puntland oo maanta maxkamadeyneysa Rag qirtay in ay

Laamaha ammaanka Gobolka Bari ayaa soo bandhigay labo nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo qirtay in ay ka dambeeyeen dil loo geystay Naciima Cabdi Maxamed oo ka dhacay Magaalada Boosaaso 25-kii Oktoobar 2020.

Labadaan ruux ee ku eedeysan kiiskaan ayaa kamid ah Gaadiidleyda Dadweynaha (BL-ka), waxaana ay qirashadoodu ku sheegeen qaabka anxan-darrada ah oo ay u dileen Naciima Cabdi Maxamed.

Maxamed Cabdi Farey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq ayaa warbaahinta u sheegay in Naciima Cabdi oo ah inanta da’da yar oo ay naf dhaafiyeen ay madaxa ka marsiiyeen Gaariga ay wateen.

“Gacmaha ayuu garba-duub uga qabtay, waana uu ceejiyay (Marjiyay), markii ay naf baxday waxa uu u dhigay Taayirka Gaariga oo madaxa ka maray, kadib waxa uu dhigay Nuur-Salaad oo halkaas gaariga uga dhaqaajiyay” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah raga loo heysto kiiskaan.

Laamaha ammaanka DG Puntland ayaa beeniyay warar sheegaya in la kufsaday Naciima Cabdi, waxaana ay sheegeen in baaris lagu sameeyay lagu ogaaday xogta la xiriirta in aan fal kufsi ah ku dhicin Inanta la dilay.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari, Gaashaanle Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in xog baaris dheer kadib ay ku guuleysteen gacan kusoo dhiggista labada ruux ee loo heysto kiiska dilka ah.

Gaashaanle Xuseen ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah la sugayo Maxkamadda awoodda u leh, maadaama qaybaha hore ee qabashada, caddeynta & dabagalka lasoo gaba-gabeeyay sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nagu soo wareegay Kiis dacweedka Ragga loo heysto falka dhacay, waxaana ballanqaadeynaa in aan ka gaarno go’aan caddaaladeed oo digniin u ah dadka ku kaca falkaan & u qalbi qaboojinta ehelada dhibbanayaasha” Sidaasi waxaa yiri Sarkaal katirsan Xeer ilaalinta Puntland.

Deegaannada DG Puntland waxaa waayihii dambe joogto ka noqday falalka kufsiga, dilalka & beegsiga haweenka, iyada oo Maxkamadaha Maamulkaas ay hayaan kiis dacweedyo la xiriira falalka dhacay.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More