Doorashada Kuraasta Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo lasoo

Koofurta Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta lagu qabtay doorashada 13-kursi oo harsanaa dhameystirka 27-xubnood ee Golaha Deegaanka Magaaladaas oo muran ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Galmudug Cabdi Waayeel, mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Mudug & Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu hor doortay 13-ka kursi ee Golaha Deegaanka.

Xubnaha la doortay waxa ay dhameystir u noqonayaan 27-ka Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka magaalada Gaalkacyo dhanka Koofurta oo maamul ahaan ah maamulka Galmudug.

Golahaan ayaa maalinta Isniinta ah todobaadka soo socda kuna beegan 26-ka Oktoobar 2020 dooranaya Duqa Magaalada Gaalkacyo oo ay u tartamayaan musharixiin buuxisay shuruudaha lasoo bandhigay.

Mas’uuliyiin katirsan DG Galmudug & Xubno ay kamid yihiin Ergada dooratay Golaha Wakiilada ayaa sheegay in la gacan-bidixeynayo kuraasta qaar oo dano gaar ah laga leeyahay waa sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi Waayeel) oo ka duulaya dooddaas ayaa tagay Koofurta Magaalada Gaalkacyo si uu goobjoog ugu noqdo kuraasta qaar ee muranka ka dhashay.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More