DP World oo heshiis Dekadaha ah lagaartay Israel.

Shirkadda Israel Dovertower ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Dubai Ports World ‘DP World’oo ku saabsan howlaha maraakiibta, ay warisay warbaahinta Imaaraadka.

Heshiiska iskaashiga waxaa kala saxiixday madaxa Dovertower Shlomi Fogel intii uu ku guda jiray booqashadiisii ​​Dubai, wargeyska ku hadla luuqada Cibraaniga Globes ayaa daabacay “Shaqadeenu waa in aan u dhisno dariiqyo ganacsi oo u dhexeeya Imaaraadka, Israel, iyo wixii ka dambeeya ayaa ka caawin doonta macaamiisheenna in ay ku ganacsadaan gobolka si fudud oo hufan, “ayuu yiri Guddoomiyaha DP World Sultan Ahmed bin Sulayem.

“Israel waxay leedahay laba dekedood, dekedda Ashdod iyo dekedda Haifa. Waa dekedo adag oo ku yaal goobo aad u wanaagsan,” ayuu yiri guddoomiyaha DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem oo la hadlay Arabiya TV.

“Haddii ay fursad jirto, ma jiraan wax naga hor istaagaya inaan halkaas joogno.”

Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah ka qeyb qaadashada dalab wadajir ah oo ku saabsan gaar u lahaanshaha dekedda Haifa ee Israel iyo khad maraakiib toos ah oo suuragal ah inta udhaxeysa dekedda Badda Cas ee Eilat iyo magaalada Dubai ee Jebel Ali.

15-kii Sebtember, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Baxrayn waxa ay kala saxeexdeen heshiisyo uu maalgeliyay Mareykanku oo lagu dhisayay xiriir diblomaasiyadeed Israel

Maamulka Falastiin iyo kooxaha iska caabinta ee Xamazayaa cambaareeyay heshiisyada caadiga ah, iyagoo sheegay inaysan u adeegin Falastiin sababtaa waxa ay  iska indhatirayaan xuquuqda Falastiiniyiinta.

DP World oo maamusha dekada badan oo caalamka ah ayaa gacanta ku haysa dekadaha Boosaaso iyo Barbara inkastoo Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay diiday heshiiska shirkadaan ku joogto dalka, sidoo kale dowladda Jabuuti ayaa ka erisay dalkeeda DP World.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More