Faah faahin: Qarax ka dhacay magaalada Marka –

5

Marka (Axadle) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay bartmaha magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay garaashka Cawaale oo ku yaalla agagaarka saldhigga Booliska ee magaalada Marka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa, kadib ay rasaas fureen ciiidamada ammaanka oo goobta gaaray, kuwaas oo haatan bilaabay baaris la xiriirta dhacdadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse waxaa weli socda  baaritaano ay wadaan hay’adaha ammaanka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka ay faah faahin rasmi ah ka bixiyaan qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qaraxan uu saameeyey dhaq-dhaqaaq xaafadda Wadajir ah oo ah meesha ay wax ka dhaceen.

Ammaanka Marka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid degan, waxaana ka howl-gala ciidamada milatariga iyo kuwa sugidda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More