Ganacsatadda Khaadka Kenya oo ka walaacsan in Suuqooda

Beeraleyda Khaadka ee dalka Kenya ayaa walaac xooggan ka muujiyeen in ay lumiyeen gebi ahaanba suuqoodii ugu waynaa ee Khaadka kaas oo ahaa Soomaalida, kadib markii ay Itoobiya bilowday dhoofinta Khaadka ee Muqdisho.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo bandhigtay shixnaddii ugu horreysay ee dalagga ka soo go’a beeraha dalka Itoobiya oo fasax ka haysta xukumadda Muqdisho.

Xaaladaan ayaa walaac xoog leh ku abuurtay beeraleyda dalka Kenya, iyadoo la tixgelinayo in ay muddo dheer gacanta ku hayeen suuqa Soomaaliya ee Khaadka.

Kenyanya ayaa ku guuldaraystay in ay dhex galaan suuqa suuqa sababo la xiriira sicirka canshuuraha oo aad u sareeya.

Warbaahinta ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay u ogolaatay Itoobiya in ay ganacsi ku sameysato gudaha Soomaaliya, halka xayiraadii laga saaray Kenya ay wali taagan tahay.

Gudoomiyaha Ururka ganacsiga Khaadka ee Kenya, Mr Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale adkeysay amniga badwaynta Hindiya si loo hubiyo in aan Soomaaliya laga soo dejinin wax badeeo ah oo ka socota Kenya.

Mr Munjuri ayaa ka codsaday dowladda Kenya in ay wadahadal la gasho Soomaaliya si gacanta  Kenya loogu celiyo suuqa khaadka ee Soomaaliya.

Beeraleyda Khaadka Kenya ayaa sheegaya in ay ku  daaleen ismariwaaga soo jiitamayay mudo dhan 7 bilood oo ka dhashay in Soomaaliya ay Xayiraad ku soo rogtay Khaadka Kenya ilaa qaar badan oo kamid ah ganacsatada ay soo wajahday dhaqaalo xumo baahsan.

Swahili.cri.cn

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More