Go’aan cusub oo laga gaaray howlgalka QM ee

11

Muqdisho (Axadle) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeeshay dib u eegista howl-galka Qaramada ee taageerada Soomaaliya, ayaa go’aan ku gaaray in muddo kordhin loo sameeyo howl-galkaas.

Xubnaha golaha amaanka ayaa isku raacay in UNSOM loo kordhiyo muddo 9 bilood ah xili howleedkeeda oo ku eeka maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka August ee 2021-ka.

Qaraarkaan ayaa tirsigiisu ahaa 2592, wuxuuna dhaqan-gelkiisu ka dhigaya in howl-galka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya uu markale soo idlaan doono 31-ka bisha May ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Sidoo kale waxaa qaraarkaan lagu xusay in howl-galka UNSOM uu sii wado xiriirinta dadaalada Qaramada Midoobay iyo inay Iskaashi buuxda la yeeshaan dowladda federalka iyo dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah.

Waxaa si gaar ah loogu sheegay qeyb kamid ah qaraarkaas in howl-galka QM ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay dhamaystirka heshiiskii laga gaaray nidaamka doorashada ee Soomaaliya, oo gaabis badan ku yimid.

Post Disclaimer

(This story  Go'aan cusub oo laga gaaray howlgalka QM ee  has not been edited by Axadle workers and has been auto-generated from the Syndicate feed.) while we endeavour to keep the information up to date and correct, we make no representations or warranties of any kind, express or implied, about the completeness, accuracy, reliability, suitability or availability with respect to the website or the information, products, services, or related graphics contained on the post for any purpose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More