Gobaladda Waqooyi oo shaacisay in gobol kale ay ka

1

Berbera (Axadle) – Gobaladda Waqooyi ayaa dhawaan billaabi doonta inay musaafuriso dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ku sugan gobolka Saaxil, sida uu shaaciyey maamulka gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Saaxil, Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey inay bilaabeen tirakoobka dadka Koonfurta, islamarkaana ay deegaanada gobolka ka saari doonaana, sida uu sheegay.

“Anaga waxa noo socda diiwaan-gelinta, inta ay doonaan ha noqdaane waa in marka hore tiradooda la ogaado waxaana u qaban doona waqti, waxaa kala mid noqoneyna dalka Gobaladda Waqooyi,” ayuu yiri Badhasaabka gobolka Saaxil.

“Dadka Berbera nala jooga waa dad aan ognahay oo la socono, laakiin kala mid baa nahay sidaa gobolada kale, si amaanka loo xoojiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey badhasaabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ajaanib kasta oo ku sugan gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ay ka saari doonaan, maadama ay laanta socdaalka Gobaladda Waqooyi ay soo saartay in deegaanada Gobaladda Waqooyi laga saaro dadkaas.

Ma aha markii u horeysay ee Gobaladda Waqooyi ay musaafuriso dad kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya, waxayna markii u horeysay ka billowday magaalada Laascaanood, oo si qasab ah looga soo masaafuriyay ganacsato iyo dad kale oo ka soo jeeda Koonfurta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More