Gobolka Banaadir oo saddex dhibaato oo weyn wajahaya

Muqdisho (Axadle) – Shacabka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya saddex dhibaato oo waa weyn kuwaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sanado kadib mana muuqato dhaq dhaqaaq socda oo dhinaca dowladda ah si wax looga qabto arrintaan. 

Waxyaabaha ugu daran ee hadda ka jira Gobalka Banaadir ayaa kala ah

1- Nadaafadda – Dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wajahaya nadaafad darro xoog leh iyo biyo wasaqeysan oo gooyay waddooyinka qaar ee Muqdisho. Xaafadaha qaar ayaa la sheegay in looga guurayo biyo aad u wasaqeysan oo sanado badan iska yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho. 

2- Mushaar la’aan – In badan oo ka mid ah shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa bishii saddexaad mushaar la’aan ah lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa. Bilihii May, June iyo July oo aan wali dhammaanin ayaa qaar kamid ah shaqaalaha gobolka la siinin mushaar. Sidoo kale, waxaa sanadkii labaad aan lacag la siinin Macalimintii ilaaliyay Imtixaanka dugsiga dhexe ee uu qaado Maamulka Gobalka Banaadir.

3- Khilaafka Masuuliyiinta – Muddo bilooyin ah waxaa jiro khilaaf curyaamiyay shaqada gobalka Banaadir, kaas oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda. Labadaan mudane ayaa isku khilaafay waxyaabo la xariira dhinaca maaliyadda ilaa haddana laguma guuleysan in la xaliyo.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa warbaahinta ka sheegay maalmo ka hor in 60-ka maalmood ee soo aadan Muqdisho looga guuri doono nadaafad darro, isagoo baaq u diray madaxda gobalka Banaadir iyo shacabka Muqdisho. 

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeeray biyo muddo sanad ah dhax fadhiyo waddada 30-ka gaar ahaan aagga Daalo, isagoo sheegay in dhawaan wax laga qaban doono. 

Ceel-qalow, Daalo, Fagax, Iskuul Buluusiya, SII SII iyo goobo kale ayaa ah meelaha ugu daran ee nadaafad darrada Muqdisho,iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta shacabka Muqdisho. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More