Hay’adaha amniga Puntland oo raadinaya Dad ay ku tuhmayaan

Magaalada Garoowe xarunta DG Puntland waxaa lagu dilay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) oo kaaliye ka ahaa Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka ee Maamulkaas.

Jaamuus ayaa la dilay xili uu usii socday hoygiisa sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo Xog ogaal ah, waxaana lagu toogtay meel aan sidaas uga fogeyn Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana goobta gaaray Ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgal ay ku raadinayaan kooxdaas toogatay Kaaliyahaan katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Inkasta oo aysan warbixin rasmi ah kasoo saarin natiijada kasoo baxday howlgalkooda oo ujeedkiisu ahaa soo qabashada dadkii dilay Garyaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) & haddii ay jiraan shaqsiyaad gacanta ku jira.

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laamaha ammaanka faray in ay adkeeyaan amniga xarunta maamulkaas oo dilal & qarax lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal uu ka dhacay.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay ka kulmay qorshaha sugidda amniga Magaalooyinka Garoowe & Boosaaso oo martigelinaya Doorashada kuraasta saami ahaanta uga soo aaday labada Gole ee BFS.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More