HirShabelle oo xirtay xaaska hogaamiyaha maleeshiyadii soo w…

Jowhar (Axadle) – Ciidamada Booliska Maamulka HirShabeelle ayaa wali wada baaritaano la xariira dadkii ka dambeeyay ama ku lug-lahaa dagaalkii Arbacadii ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka HirShabeelle, kaasoo lagu dilay in kabadan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyada. 

Ciidanka Booliska ayaa baadi goobaya shaqsiyaad loo tilmaamay kuwaas oo wax ka ogaa weerarkii dhacay, sidoo kalane u badan qaraabada Maleeshiyada Macawiisleyda ee weerartay magaalada Jowhar. 

Baaritaanadii ugu dambeeyay ee shalay laga sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag ee Jowhar ayaa la sheegay in lagu soo qabtay saddex qof oo ay ku jirto xaaska ninkii hogaaminayay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu soo qaaday Jowhar. 

Haweeneyda la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa Aamino Shariifow,  waxaana la sheegay in ay u saarantahay Assaay (mara cad ee xertaan dumarka laga dhinto). 

Haweeynadaan oo sidoo kale ah Hooyo carruur heysata ayaa ninkeeda oo kooxdii weerarka soo qaaday hogaaminayay ku dhintay isla dagaalkaas waxaana la sheegay in ciidanka ay su’aalo weydiinayaan. 

Saraakiisha Booliska HirShabeelle oo aan la xariirnay ayaa heli weynay si aan wax uga weydiino baaritaanada ay wadaan ee lagu baadi goobayo dadka xigtada ah kooxdii weerarka ka fulisay Jowhar, kuwaasoo ka tirsanaa Maleeshiyada Macawiisleyda. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More