Ilaalada Xeebaha Liibiya oo badbaadiyay 180-Tahriibe. –

War kasoo baxay Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNHCR) ayaa lagu sheegay in lasoo gaarsiiyay warbixin la xiriirta howlgal lagu badbaadiyay 180-ruux oo ka tahriibayay Xeebaha Liibiya balse gacanta lagu dhigay.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadkaan dib loogu celiyay Xeebaha dalkaas oo ay ay ka safreen, waxaana ku guuleystay soo badbaadintooda ilaaladaha Biyaha dalkaas oo fiiro gaar ah u leh dadka ka tahriibaya dalkaan dhaca Waqooyiga Afrika.

“Ilaa 180-Tahriibe ayaa lasoo badbaadiyay, waxaana laga dejiyay Dekedda Liibiya, waxa ay ka socdaaleen Xeebaha dalkaan oo laga saaray doonta ay la socdeen, waxaana howshaan fuliyay Ciidamada ilaaladaha Xeebaha” Sidaasi waxaa lagu yir War uu soo saaray Ergayga UNHCR ee Liibiya.

UNCHR ayaa sheegtay in howlgalkaan uu dhacay Isniintii, waxaana ay shaacisay in dadkaan loo sameeyay adeeg Caafimaad oo la hubiyay Xaaladdooda, lana siiyay Cunno, Biyo & gargaar kale oo ay u baahnaayeen.

Carruur & Haween ayay Hay’addu sheegtay in ay qayb ka ahayaan 180-ka Tahriibe ee lagu qabtay Xeebaha Dalka Liibiya, inkasta oo aysan sheegin dhalashada dalalka, tirada dumarka ah & carruurta ay wataan.

Liibiya waa marinta ugu fudud oo ay isugu tagaan tahriibayaasha doonaya in ay galaan safarka badda ah ee la isaga kala gudbo waddaan dhaca Waqooyiga Afrika & Talyaaniga oo ah albaabka koowaad ee ay ka galaan Qaaradda Yurub.

Tan & markii kacdoonka lagu riday maamulkii Mucammar Qadaafi ee sabab saday kacdoonka Guga carabta 2011-kii kasoo ifbaxay waddamo dhowr ah oo lagu tuuray maamuladii waqtiga dheer gacanta ku hayay.

Hay’adda Socdaalka Adduunka IMO ayaa sheegtay in 2020 la badbaadiyay oo dib loogu celiyay Liibiya 10,398 Tahriibayaal, halka sanadkii 2019-kii la badbaadiyay 9,225-ruux oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

Boqolaal ruux oo Liibiya u tagtay in ay ka tahriibto ayaa ku xiran Xabsiyada dalkaas, waxaana lacag madax furasho ah ka qaata Kooxaha loo yaqaan “Magafayaasha”, haddii ay ka waayaan dhaqaalaha ay dalbadaan waa ay jirdilaan.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More