Libaax ayaa labo Qof ku dhaawacay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost) – Booliska Somaliland ayaa digniin ka soo saaray libaax ka cararay xero lagu xannaaneyn jiraay, Kaasi oo ku dhaawacay magaalada Hargeysa dad.

Ciidanku waxay uga digeen bulshada reer Hargeysa, gaar ahaan dadka ku nool Caasimada Hargeysa inay ka feejignaadaan halista libaaxa isla markaana ay la socodsiiyaan laamaha amniga sii ay dib ugu celiyaan Xeeradda Waran Cade Zoo, oo uu markii hore ka soo cararay.

Digniin: Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan bulshada Somaliland gaar ahaan Axadle in mid ka mid libaaxyada ku jira Waran Cade Zoo uu baxsaday. “Waxaan uga digeynaa shacabka inay feejignaadaan oo ay ku soo wargeliyaan dhamaan waxyaabaha ay arkeen booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Libaaxa baxsaday wuxuu dhaawacay laba qof oo rayid ah oo ku sugnaa degmada New Hargeysa, sida ay dadka deegaanku u sheegeen Axadle.

Booliska Somaliland ayaa wali baadi goob ugu jira libaaxa, iyadoo cabsi weyn ay ka jirto magaalada Hargeysa.

Libaaxa baxsaday wuxuu ka mid ahaa libaaxyada ku xareysan Waran Cade Zoo, oo uu lahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More