Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay biyo ka saarista

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waddooyinka Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal biyaha xareedda roobka looga saarayo, kadib markii uu kulan degdeg ah oo lagu canaantay uu la qaatay Raysul Wasaaraha XFS.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa xalay ku guureeyay qaar kamid ah jidadka Magaalada Muqdisho oo biyaha fadhiistay si looga saaro, maadaama ay geeyeen Booyado si waaxda nadaafadda ay uga howlgasho.

Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in qaar kamid ah waddooyinka ay ka dhuuqeen biyaha degay.

 

Jidadka dhiman ee wali xareeddu harfaneyso ayuu sheegay in maanta laga howlgalayo, waxaana uu ballanqaaday in waaxda nadaafadda waddooyinka Dowladda hoose ay qaadan doonto mas’uuliyaddaas.

Raysul Wasaaraha XFS oo shalay gelinkii dambe kulan gaar ah la qaatay maamulka Gobolka Banaadir ayaa u gudbiyay fariin ah in uu jiro gaabis dhanka wax u qabashada dadka degen Gobolka oo ah canshuur bixiyaal.

Rooble ayaa ku hanjabay in uu la xisaabtami dooni, isla markaana uusan ka daba-hari doonin la socodka waxyaabaha uu maamulka Gobolka Banaadir ka qabto jidadka Muqdisho ee biyaha Roobka ka dhashay fadhiisteen.

Haddaba, Canaanta Raysul Wasaare Rooble, isbadal dhanka Bilicda & Nadaafadda ma u horseedi kartaa Gobolka Banaadir?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More