Maamulka Gobolka Banaadir oo Mashruuc u raadinaya

Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in la qabanayo shir weyne looga tashanayo dib u hirgelinta bulaacadaha Biyaha ka qaada waddooyinka Caasimadda.

Axmed Xasan Iimaan ku simaha Duqa Muqdisho Waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha DFS ay aqbaleen dalabkooda ah in la isugu yeero Wakiilada beesha Caalamka, Ganacsatada & Cid waliba oo gacan ka geysan karta hirgelinta mashruucaan.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Canshuur ka qaada Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa dib ugu laabanayo si ay uga helaan lacagta lagu hagaajinayo biyo mareenada Caasimadda oo aan muddo dheer shaqeyn.

“Maalmihii lasoo dhaafay roobabka ka da’ay Muqdisho waxa ay sababeen in biyaha xareedda ay xirto waddooyinka Caasimadda, Waxa aan heleynay Fariimo Bulshada ka imaaneysa oo ah in booyada lagu qaadayo, kadibna Roob marka uu da’o biyaha sidii hore u fadhiisanayaan” Sidaasi waxaa yiri Ku simaha Duqa Muqdisho.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Shaqada aan qabanay waa mid dhiig-joojin ah, waxa aan la tashanay dadka beeraleyda si ay nala wadaagaan qaabka biyaha Wabiga ugu gudbiyaan Beerahooda, waxa ay inoo sheegeen in matoor adeegsadaan, waana isticmaalnay si aan biyaha waddooyinka uga saarno kuna shubno badda”.

Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan kulan degdeg ah la qaatay maamulka Gobolka Banaadir waxa uu u sheegay in uu la xisaabtamo, maadaama bulshada kunool Caasimadda ay yihiin Canshuur bixiyaal, una baahan yihiin Waddooyin & nadaafadda Muqdisho.

Haddaba, Maamulka Gobolka Banaadir oo canshuur ka qaado Ganacsatada xaq ma u leeyahay in uu dib ugu laabto si dhaqaale kale ay ku bixiyaan?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More