Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saaray

4

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi ayaa goordhoweyd shaaciyey liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Gobaladda Waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay labada mas’uul liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaasi oo tiradooda dhan tahay 24 musharax.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Gobaladda Waqooyi.

Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ka dalbaday inay si deg deg ah u soo gudbiyaan liisa musharaxiinta kuraasta Gobaladda Waqooyi, si loo dhameystiro doorashada Aqalka Sare.

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kal hore isku maandhafsanaa maamulka kuraasta Gobaladda Waqooyi, ayaa xilligan si wada-jir ah u wada habsami u socoda doorashadaaas, waxayna afmeer u noqoneysa doorashada Aqalka Sare, oo maamulada badankooda ay soo gaba-gabeeyen.

Hoos ka aqriso magacyada musharaxiinta iyo kuraasta ay u tartamayaan

Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi CabdullaahiKursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed IsmaaciilKursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud CabdiKursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor XasanKursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan CaliKursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed BoqoreKursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle SaleebaanKursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi MaxamedKursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed SiciidKursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed XasanKursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More