Masar ayaa si kumeelgaar ah u hakisay wadahadallada Ay la laheyd Turkiga

Masar ayaa si kumeelgaar ah u joojisay wadahadalka gundhig uu ahaa si xiriirka ay la leedahay Turkiga caadi loga dhigo, oo ay ka mid tahay go’aan qaadashada lagu joojinayo xiriirada amniga ee Ankara ilaa amar  dambe, ilo wareedyo ayaa uu xaqiijiyay saxafadda.

Ilo wareedyadan ayaa sheegay in Qaahira ay sidoo kale joojisay xiriirkii ay la laheyd Ankara ilaa iyo inta dalabyadooda si dhaqso ah loo fulinayo, iyadoo xustay in gaabiska Turkiga ee ku aadan kala bixitaanka calooshood u shaqeystayaasha Liibiya ay ilaa iyo hada sababtay inuu burburo wadahadalkii ay la lahayeen Masar.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Turkiga uu codsaday waqti dheeri ah si uu ugala baxo la taliyayaashiisa militariga iyo xubnahooda Liibiya kaga sugaan, halka Masar ay ka dalbatay Turkiga in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah uga baxo dalka ay colaaduhu ay afeeyen ee Waqooyiga Afrika.

Turkiga ayaa dhawaan hakiyay tiro ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee ka jiray dhulkeeda, laakiin Masar ayaa dalbatay in la qaado tallaabooyin joogto ah oo dheeri ah iyo in lagu soo wareejiyo Yahya Musa iyo Alaa al-Samahi, oo labaduba ka tirsan mas’uuliyiinta ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar  laga mamnuucay.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada la hadlay Saxafadda, Turkiga wuxuu rabay inuu u fuliyo dalabaadka si tartiib tartiib ah, halka Masar ay u hogaansaneyd fulinta labo waji, isagoo carabka ku adkeeyay in khilaafka u dhexeeya Qaahira iyo Ankara uu ku saleysan yahay xawaaraha fulinta tallaabooyinka ka dhanka ah Ikhwaanul Muslimiinka.

Ilo wareedyadan ayaa sheegay in Masar ay hakisay codsigii Ankara ee ahaa in shir ballaadhan lagu qabto Qaahira ka hor dhammaadka bisha Abriil, iyo in “Qaahira ay xaqiijisay in ay lagama maarmaan tahay ka bixitaanka millatariga Turkiga ee dalkan Carbeed iyada oo la tixgelinayo madaxbanaanidooda.”

Bishii la soo dhaafay, Turkiga wuxuu dib u bilaabay xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Masar, wakaaladda ay maamusho dowladda ee Anadolu ayaa soo xigatay wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cavusoglu oo xilligaas yiri.

Toddobaad ka dib, mas’uuliyiinta Turkiga waxay ku amreen telefishannada fadhigoodu yahay Istanbul ee ku xiran Ikhwaanul Muslimiinka inay joojiyaan sii deynta dhaleeceynta ku wajahan Masar sdia ugu dhaqsiyaha badan.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Saxafadda xorta ah, Turkigu wuxuu ilaa hadda ballan-qaaday inuu fulin doono tallaabooyin dheeri ah oo ka dhan ah kanaallada ku xiran Ikhwaanul Muslimiinka ka hor dhammaadka bisha Ramadaan, laakiin Masar ayaa ku wargelisay Turkiga baahida loo qabo in la dedejiyo tallaabooyinka ka dhanka ah warbaahinta noocaas ah.

Turkiga ayaa sidoo kale Masar uu xaqiijiyey inuu xayiray bixinta dhalashada dhowr xubnood oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Masar ay sidoo kale dalbatay dagaalyahanada islaamiyiinta ah ee safka hore kaga jiray ISIS ee qaatay dhalashada Turkiga markii ay kasoo laabteen Syria in loo soo gacan galiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More